Home / Deegaan / Sababta Salax banooni ay labadiisa goolal uga hor baxayaan Geedaha+ sawirro

Sababta Salax banooni ay labadiisa goolal uga hor baxayaan Geedaha+ sawirro

Himilo- Salax cusub oo laga dhisay caasimadda Colombia ee Bogota ayaa soo jiitay indhaha dad badan maadaama labadiisa gool ee shabaqa ay kasoo horreeyaan labo geed.

Marka loo eego warbaahinta Colombia, tani waxay timid markii dood gaartay heer maxkamad lagu go’aamiyay inaan la jarin, balse taas beddelkeeda lagu dhiso salaxa.

Dhowr isku day oo looga gollahaa in geedahan loo weeciyo goob kale oo ku habboon ayaa kusoo idlaaday fashil. Waxaana suura-gashay in sida aad u jeedaan loo dhaafo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo sheekadan oo kale ay qabsato warbaahinta caalamka. Sannadkii 2017-ka, sidan oo kale, dalka Shiinaha ayaa la arkay garoon kubadda lagu ciyaaro oo dhexdiisa uu ka baxayo geed weyn.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan