Home / Caafimaad / Sababta uu dhiig u ilmeeyo wiil Hindiya ah oo dhaqaatiirta garan waayeen

Sababta uu dhiig u ilmeeyo wiil Hindiya ah oo dhaqaatiirta garan waayeen



Himilo FM – Dalka Hindiya, dhaqaatiirta ayaa daweeyay bukaan xannuunsanaa oo dhiig ilmeynaya markasta iyadoo aysan dhaqaatiirta u suura gelin inay oggaadaan sababta arrintaasi.

Bukaanka oo ah 22 jir ayaa lagu soo waramayaa inuu tagay isbitaal kaddib markii uu laba jeer ilmeeyay dhiig halkii uu biyo ka keeni lahaa.

Baaritaanada ayaa muujiyay inaysan indhaha qabin wax dhibaato ah oo shaqadoodu tahay caadi.

Sababaha qofka uu dhiig indhaha kaga keeni karo waxaa kamid ah xannuun loo yaqaan Hemolacria, waxaana la cadeeyay in uusan qabin bukaanka.

Dhaqaatiirta machadka ku yaalla Hindiya ayaa u diray ninka baaritaano dheeraad ah oo la xiriira dhiigga iyo shaqada beerka laakiin waxay muujiyeen inuu caafimaad qabo.

Sida warbahaahinta dalka Hindiya laga soo xigtay, baaritaanada caafimaadka ee la sameeyay dhowr jeer ayaa gebi ahaan tilmaamay in uusan wax xannuun ah qabin bukaanka aan la magac dhabin.

Wargeyska British Medical Journal ayaa qoray in dhaqaatiirta ku guuleysan waayeen inay xaddidaan xannuunka haya bukaanka.

Xanuunka Hemolacria waa mid naadir ah, inkastoo uusan aheyn xannuun khatar ah haddana waxaa habboon inuu dhaqtar la socdo.







About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan