Home / Caruurta / Sacuudiga: 8 kamid ah haweenka xujeyda ah oo ku dhalay goobaha barakeysan

Sacuudiga: 8 kamid ah haweenka xujeyda ah oo ku dhalay goobaha barakeysan

Himilo –Intii lagu guda jiray xajka sannadkan, 8 cunug ayaa ku dhashay goobaha barakeysan ee Sacuudiga sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka dalkaasi.

Warbixin laga soo saaray wasaaradda oo ay daabacday wakaalada wararka Sacuudiga ayaa tilmaamtay in Makka ay ku dhasheen 5 carruur ah, labo waxaa lagu diiwaan geliyay buurta Carafo halka cunug kale uu ku dhashay Mina.

Labada cunug ee buurta Carafo waxaa dhalay xujay gudanayay waajibaadka xajka 10-kii bishan August iyadoo mar danbe loo wareejiyay isbitaalo si loola socdo caafimaadkooda.

Mid kamid ah hooyooyinka dhalay intii lagu guda jiray acmaasha xajka ayaa heebteeda lagu sheegay Sucaad Maxamed Barbush oo ah 40 jir u dhalatay Liibiya.

Waxay ku dhashay isbitaalka Jabal al-Rahma Hospital iyadoo ugu magac dartay wiilkeeda buurta Carafo sida ay qortay wakaalada wararka Sacuudiga.

Ashan Yusuf ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay daryeelka kooxda caafimaadka ay u fidiyeen xaaskiisa.

Sannadkii 2017, 9 kamid ah haweenkii gudanayay waajibaadka xajka ayaa ku dhalay goobaha barakeysan ee Sacuudiga.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan