Home / Arrimaha Bulshada / Sacuudiga: Baar loo ekeysiiyay qaab-dhismeedka xabsi oo helay fal-celin badan!

Sacuudiga: Baar loo ekeysiiyay qaab-dhismeedka xabsi oo helay fal-celin badan!

Himilo – Dadka adeegsada baraha bulshada ee Sacuudiga ayaa baahiyay muuqaal muujinaya baar aan caadi aheyn oo ku yaalla magaalada Jeddah oo u sameysan sida xabsi.

Injineerada ayaa u ekeysiiyay baarka qaab-dhismeedka xabsi iyaga oo u sameeyay biraha uu caanka ku yahay iyo shabaq.

Arrinta layaabka leh ayaa ah in shaqaalaha baarka xeran yihiin dharka lagu garto maxaabiista inta ay shaqada ku jiraan sida uu muujiyay muuqaalka lagu faafiyay baraha bulshada.

Qofka duubay muuqaalka ayaa sheegay in uu qaabilay qof kamid ah shaqaalaha oo xeran dharka u gaarka ah maxaabiista laakiin waxa uu yiri “Waxaan qiyaasayay inay na siinayaan cuntada maxaabiista sida aflaamta oo kale laakiin waxay kedis nooga dhigeen cunto macaan.”

Muuqaalka baarka ku yaalla Sacuudiga ayaa helay fal-celin badan oo ay ka sameeyeen kumanaan qofood.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan