Home / Arrimaha Bulshada / Sacuudiga: Haweenka oo farriimo lagu ogeysiinayo furriinka!

Sacuudiga: Haweenka oo farriimo lagu ogeysiinayo furriinka!


Himilo FM – Sacuudiga ayaa hirgalinaya sharci cusub oo siinaya haweenka dalkaasi xaqqa ah in furriinka la sii ogeysiiyo kahor inta uusan qofka ku dhawaaqin.

Laga billaabo maanta oo Axad ah, maxkamadaha Sacuudiga ayaa ku qasban inay farriin  gaarsiiyaan haweenayda kahor inta aan la shaacin in la furay.

Qareenada haweenka ayaa qaba in sharcigan cusub uu meesha ka saarayo waxay ugu yeereen “Furriinka qarsoodiga ah” oo ah dhacadada ragga ku soo gabagabeeyaan guurka iyaga oo aan u sheegin xaasaskooda.

Sanadkii la soo dhaafay, waxaa haweenka dalkaasi laga qaaday xannibaad saarneyd muddo dheer oo u diidaysay inay kaxeeyaan gawaarida.

“Sharciga cusub waxa uu xaqiijinayaa in haweenku helaan xuquuqdooda marka la furo,” sidaasi waxaa tiri Nisreen Al-Ghamdi oo ah qareen Sacuudiga u dhalatay.

Haween badan oo ku nool Sacuudiga ayaa dacwado geeyay maxkamaddo iyaga oo ka cabanaya in la furay oggaal la’aantooda sida ay shaacisay Samia Al-Hindi oo la hadashay wargeyska Okaz.

Tallaabadan cusub waxaa la tilmaamay inay qeyb ka tahay isbadalada dhaqaale iyo kuwa bulsho ee uu sameynayo dhaxal sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salmaan.

Dhawaan, waxaa haweenka Sacuudiga loo ogolaaday inay ka qeybgali karaan daawashada ciyaaraha kubadda cagta islamarkaana ka shaqeyn karaan shaqooyin loo tiirin jiray keliya ragga.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan