Home / Arrimaha Bulshada / Sacuudiga: Hay’ad samafal oo aqbalaysa tabarucaadka timaha

Sacuudiga: Hay’ad samafal oo aqbalaysa tabarucaadka timaha

Himilo FM –Hay’ad samafal oo ku taalla Sacuudiga ayaa aqbashay dadaal loogu tabarucayo timaha haweenka iyadoo looga dan leeyahay in lagu taageero dhibanayaasha kansarka gaar ahaan nuuca ku dhaca naasaha.

Hay’ada samafalka Sahra ee ka shaqeysa caawinta dhibanayaasha cudurka Kansarka ayaa shaacisay inay aqbalayso hab kasta oo lagu kaalmeynayo dadka la xanuunsan cudurka sida in lacago la siiyo ama loogu tabaruco timo iyadoo la ogyahay in dhibanayaasha kansarka naasaha inay timaha ka dhintaan marka lagu daweynayo kiimikaalka.

Sida wargeyska Al-Wadan ee dalka Sacuudiga uu ku soo warmayo, hay’ada samafalka waxay shuruuud ka dhigtay in timaha noqdaan kuwa nadiif ah oo aan ka yareyn 20 Sentimitir islamarkaana caafimaad ku tilmaaman.

Haween fara badan ayaa soo dhaweeyay tallaabada hay’ada, waxayna ballan qaadeen inay diyaar la yihiin taburacaadka timaha ee loo sameynayo dhibanayaasha cudurka Kansarka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan