Home / Arrimaha Bulshada / Sacuudiga: Nin dacwad ka gudbiyay deriskiisa markii aysan aqbalin casuumaadiisa

Sacuudiga: Nin dacwad ka gudbiyay deriskiisa markii aysan aqbalin casuumaadiisa

Himilo – Muuqaal ku saabsan nin u dhashay Sacuudiga oo ka sheeganaya deriskiisa oo ka diiday casuumaad dhowr jeer ayaa qabsaday baraha bulshada dalkaasi.

Dad badan ayaa faallo ka dhiibtay sheekada oo ku saabsan nin ka soo jeeda qabiilka Shamri oo ka sheeganaya muwaadin kale oo ku abtirsada qabiilka Mudair.

Ninka Sacuudiyaanka ah ayaa tilmaamaya in uu casuumaad u fidiyay deriskiisa dhowr jeer balse aysan ka aqbalin taasi oo keentay in uu dacwad ka geeyo booliiska.

Mid kamid ah dadka ka aragti dhiibtay sheekada ayaa xusay in ninka ka soo jeeda qabiilka Shamri uu ka carrooday in deriskiisa aysan aqbalin casuumaadda uu u fidiyay shan jeer.

Maalintii lixaad, ninka reer Shamri ayaa tagay xarunta booliiska oo uu geeyay dacwad ka dhan deriskiisa. Booliiska ayaa mar danbe u yeeray ninka la soo eedeeyay oo loo sheegay dacwadda loo heysto. Isaga oo dhoolla-caddeynaya ayuu aqbalay casuumaadda.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan