dowlada Sacuudiga ayaa xukun dil ah ku fuliyay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur Xuseen, kaasoo lagu helay in uu geliyay dalkaas daroogo nooca Xashiishka ah.
Maxamed Nuur Xuseen ayaa lagu fuliyay xukunka Axaddii lasoo dhaafay gudaha magaalada Najran, oo ku taalla koonfurta Sacuudi Carabiya. Ninkan ayaa madaxa looga jaray seef, sida uu caadada u yahay xukunka dilka ee dalkaas.
Sacuudi Carabiya waxay ka mid tahay dalalka adduunka ee leh nidaam sharciga adag, gaar ahaan marka la eego ciqaabta dilka ee ku saabsan dembiyada daroogada, dilalka, iyo argagixisada. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in xukunka dilka u yahay go’aanka adag oo kasoo baxay dowladda oo ka dhanka ah ka ganacsiga daroogada iyo dambiyada kale.