Home / Dhaqaale / Safarka guusha: bilyaneerka ugu da’da yar caalamka!

Safarka guusha: bilyaneerka ugu da’da yar caalamka!

Himilo – 26 jirka u dhashay Hindiya oo ah hal-abuure ayaa hadda ah bilyaneerka ugu yar caalamka kaasi oo meel hoose kasoo billaabay hantidiisa, waxa uu ka dhashay qoys noloshooda tahay dabaqad hoose.

Ritesh Agarwal markii uu jirey 13 sanno ayuu billaabay iibinta simkaarada si uu noloshiisa ugu maareeyo isaga oo ku dhex wareegi jirey gudaha dalka Hindiya.

Markii uu 18 jirka ahaa, Ritesh waxa uu furtay Oravel Stays oo markii danbe bishii May 2013 loo beddelay magaca OYO Hotels oo hadda kamid ah hoteelada ugu casrisan caalamka.

Bishii September 2018, dhaqaalaha OYO ayaa gaaray $1 bilyan. Bishii July 2019, Agarwal ayaa iibiyay qeyb kamid ah saamigiisa isaga oo ka helay qiimo dhan $2 Bilyan taasi oo shirkadda ka dhigtay mid saameyn dhaqaale ku tallaabsata.

Hadda waxaa lagu qiimeeyaa $10 bilyan, Ritesh ayaa shirkaddiisa OYO waxay ku fiday inka badan 800  magaalo iyo 80 dal, waxa uu leeyahay 43,000 oo hoteello isaga oo 350,000  qofood ka caawiyay inay shaqo ka helaan.

26 jirkan ayaa loo aqoonsaday ganacsadaha ugu yar caalamka oo si shaqsi ah u sameeyay dhaqaale kaasi oo hadda hantidiisa lagu sheegay $1 bilyan sannadkii 2019, sida ay xustay IIFL Wealth Hurun India Rich.

“Ka billow wax yar, joogteey kaddib waxay noqonayaan wax weyn.” Ayuu yiri Ritesh

Agarwal xirfaddiisa waxbarasho ma gaarsiisna heer jaamacad isaga oo yaraantiisa aan helin fursad dhaqaale oo uu wax ku barto balse halkii uu fadhiid wax baran noqon lahaa ayuu nafsaddiisa ku qanciyay in uu shaqeeyo taasi oo maanta kamid dhigtay dadka bilyaneerada.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan