Home / Macluumaad / Sahan: 10-ka magaalo ee ugu badqabka wanaagsan caalamka

Sahan: 10-ka magaalo ee ugu badqabka wanaagsan caalamka

Himilo – Magaalada Tokiyo ee dalka Jabaan ayaa noqotay magaalada ugu ammaanka ama badqabka badan caalamka sida lagu sheegay sahan cusub oo la soo saaray.

Sahanka ayaa qiimeynayay awoodda magaalooyinka ee la tacaamulka dhibaato kasta sida musiibooyinka cimilada iyo weerarada elektorooniga ah.

Magaalada Singapore ayaa timid kaalinta labaad ee liiska halka isla magaalada ku taalla Jabaan ee Osaka soo gashay booska seddexaad.

Baarayaasha ayaa tilmaamay in sahanka uu beegsaday 60 magaalo iyadoo xoogga la saarayay adkeysiga magaalooyinka ee musiibooyinka iyo heerka soo kabashada.

Dhinacyada uu sahanka taabtay waxaa kamid ah amniga digital-ka, kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka iyo amniga qofeed.

Magaalooyinka Asia iyo kuwa dhaca badweynta Pacific-ga ayaa soo galay 10-ka magaalo ee ugu horreysa caalamka oo dhan.

Fadlan eeg sawirka hoose e ku lifaaqan warbixinta oo kuu muujinaya 10-ka magaalo ee ugu ammaanka badan caalamka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan