Home / Daraasad / Sahan: 94% dadka Talyaaniga diyaar ayay u yihiin joojinta adeegsiga balaastikada

Sahan: 94% dadka Talyaaniga diyaar ayay u yihiin joojinta adeegsiga balaastikada

Himilo – Sahan la sameeyay dhawaan ayaa muujiyay in 94% dadka Talyaaniga inay diyaar u yihiin joojinta adeegsiga nuucyada balaastikada kala duwan.

Sahanka oo uu sameeyay bankiga maal-geshiga Yurub iyo shirkadda BVI ee Faransiiska ayaa tilmaamaya in dadka Talyaaniga doonayaan inay sameeyaan tallaabo kasta oo lagu yareyn karo dhibaatada isbadalka cimilada.

Waxaa intaa la raaciyay in 66% dadka Talyaaniga joojiyeen adeegsiga balaastikada halka 96% dadka ka qeyb galay sahanka muujiyeen sida ay diyaar ugu yihiin yareynta adeegsiga badeecadaha balaastikada ah si ay xal ugu noqoto dhibaatada isbadalka cimilada adduunka.

Waxaa xusid mudan in haraadiga balaastikada lagu tiriyo sababaha loo celin karo wasakhda deegaanka caalamka iyo dhibaatada isbadalka cimilada.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan