Home / Macluumaad / Sahan daaha ka qaaday dalalka ku wanaagsan sugitaanka English-ka (English Proficiency)

Sahan daaha ka qaaday dalalka ku wanaagsan sugitaanka English-ka (English Proficiency)

Himilo – Sahan ku saabsan dalalka ku wanaagsan afka Ingiriiska ayaa daaha ka qaaday sida dalalka qaar ee Afrika u sugaan luqadda (English Proficiency).

Koonfur Afrika ayaa timid kaalinta koowaad ee dalalka qaaradda oo dadkeeda si wanaagsan ugu hadlaan afka Ingiriiska halka Kenya soo gashay booska labaad.

Dalalka kale ee qaaradda ee soo galay liiska 100 waxaa kamid ah Nigeria, Ethiopia, Tunisia, Egypt, Cameroon, Sudan, Algeria, Ivory Coast iyo Libya.

Xagga magaalooyinka, Nairobi ayaa timid booska koowaad ee qaaradda, waxaa soo raacay oo yimid kaalinta xigta Lagos oo Nigeria kamid ah.

Heerka caalamka oo dhan, Koonfur Afrika ayaa timid booska lixaad halka Kenya soo gashay booska 18aad.

Netherlands ayaa ugu horreysa liiska sahanka ay sameysay hay’adda reer Switzerland, waxaa soo raacay Sweden, Norway, Denmark iyo Singapore oo soo gashay shanta dal ee ugu horreeya.

Sahanka oo ay sameysay hay’adda Education First ayaa loo cuskaday tijaabooyin xagga afka Ingiriiska ah oo laga qaaday arday laga soo xulay dalalka ka qeyb galay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan