Home / Deegaan / Sahan: Magaalooyinka ugu qaalisan iyo kuwa ugu jaban xagga nolosha

Sahan: Magaalooyinka ugu qaalisan iyo kuwa ugu jaban xagga nolosha

Himilo FM –Magaalooyinka Paris, Hong Kong iyo Singapore ayaa safka hore ka soo galay liiska magaalooyinka ugu qaalisan caalamka.

Waa markii ugu horreysay oo ay seddex magaalo qeybsadaan kaalinta ugu horreysa ee sahanka sanadlaha ah ee uu sameeyo Economist muddo 30 sanno ah. Sahankan ayaa sameynayay isbarbardhig ascaarta guud ee 133 magaalo oo caalamka ku yaalla.

Waxaa kale oo sahanka uu eegayay isbadalka ascaarta iyadoo loo fiirinayo ascaarta nolosha ee magaalada Newyork oo loo qaatay halbeeg.

Caasimadda Faransiiska ee Paris oo sannadkii hore noqotay magaalada labaad ee ugu qaalisan dunida ayaa kamid noqotay afarta magaalo ee Yurub ee ku jira 10-ka magaalo ee ugu horreysa liiskan.

Roxana Slavcheva oo wax ka qoray warbixinta ayaa sheegay in magaalada Paris kamid ahayd 10-ka magaalo ee ugu qaalisan caalamka in lagu noolaado tan iyo sannadkii 2003-dii.

Magaalooyinka ugu qaalisan in lagu noolaado caalamka

1. Singapore (Singapore)

1. Paris (France)

1. Hong Kong (China)

4. Zurich (Switzerland)

5. Geneva (Switzerland)

5. Osaka (Japan)

7. Seoul (South Korea)

7. Copenhagen (Denmark)

7. New York (US)

10. Tel Aviv (Israel)

10. Los Angeles (US)

Magaalooyinka ugu jaban ascaarta nolosha caalamka

1. Caracas (Venezuela)

2. Damascus (Syria)

3. Tashkent (Uzbekistan)

4. Almaty (Kazakhstan)

5. Bangalore (India)

6. Karachi (Pakistan)

6. Lagos (Nigeria)

7. Buenos Aires (Argentina)

7. Chennai (India)

8. New Delhi (India)

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan