Himilo FM –Magaalada Vienna ayaa sannadkii 10aad oo xiriir ah waxay noqotay magaalada ugu wanaagsan caalamka ee lagu noolaado.
Sida ku xusan qiimeynta Mercer Quality of Living Survey, magaalooyinka Yurub ayaa noqday kuwa ugu horreeya liiska magaalooyinka ugu wanaagsan xagga nolosha iyadoo 13 kamid ah 20-ka magaalo ee ugu wanaagsan noqdeen kuwa Yurub.
Qiimeynta ayaa lagu sameeyay inka badan 200 magaalo oo caalamka ah, waxaana la eegayay xasiloonida siyaasadeed, danbiyada, xurriyadda qofka, daryeelka caafimaadka, waxbarashada, guryaha iyo gaadiidka dadweynaha.
Magaalooyinka reer Galbeedka ayaa sidoo kale noqday kuwa ugu ammaanka badan caalamka.
Luxembourg ayaa noqotay magaalada ugu nabad galyada badan dunida, waxa soo raacay magaalada Helsinki oo katirsan Finland iyo magaalooyinka Swizarland ee Basel, Bern iyo Zurich.
Magaalooyinka Singapoor, Montevideo iyo Port Louis ayaa noqday kuwa ugu wanaagsan xagga nolosha ee Asia, koonfurta Ameerika iyo Afrika.
Waxaa xusid mudan in Muqdisho (Soomaaliya) aysan kamid aheyn liiska magaalooyinka la qiimeeyay sida ku cad xogta Mercer Quality of Living Survey.
Magaalooyinka ugu wanaagsan ee lagu noolaado caalamka
1. Vienna, Austria
2. Zurich, Switzerland
3. Vancouver, Canada
4. Munich, Germany
5. Auckland, New Zealand
5. Dusseldorf, Germany
6. Frankfurt, Germany
7. Copenhagen, Denmark
8. Geneva, Switzerland
9. Basel, Switzerland
10. Sydney, Australia
Magaalooyinka ugu xun ee lagu noolaado adduunka
231. Baghdad, Iraq
230. Bangui, Central African Republic
229. Sana’a, Yemen
228. Port Au Prince, Haiti
227. Khartoum, Sudan
226. N’Djamena, Chad
225. Damascus, Syria
224. Brazzaville, Congo
223. Kinshasha, Democratic Republic of the Congo
222. Conakry, Guinea