Himilo – Muslimiintu waxay yihiin dadka ugu qanacsanaanta badan nolosha, waayo waxay la nool yihiin kelinimada Eebbe marka lala barbardhigo diimaha kale, daraasad cusub oo lasoo saaray ayaa daaha ka rogtay, sida laga soo xigtay Daily Mail.
“Daraasaddu waxay ifinaysaa xiriir weyn oo ka dhaxeeya rumeynta kelinnimada Eebe iyo qanaacada nolosha,” ayuu yiri Dr. Laura Marie Edinger-Schons, oo ah qoraha cilmi-baaristan, oo katirsan Jaamacadda Mannheim ayaa u sheegay saxaafadda.
Daraasadda ay soo jeediyeen khubarada katirsan Jaamacadda Mannheim ayay ku ogaanayeen xiriirka qofka qanaacadiisa iyo rumeynta kelinimada Eebe ka dhaxeeya. Waxaana ka qeyb-qaatay ku dhawaad 67,000 oo arday kasoo kala jeeda ah dalalka caalamka.
Muslimiinta ayaa laga dhex ogaaday daraasadda inay xiriir aad u weyn la leeyihiin wax ka baxsan qudradooda, sida lagu yiri cilmi-baaris cusub oo ay sameysay American Psychological Association.
Muslimiinta waxaa kusoo xigsaday Kirishtaanka oo isugu jira – Katoolig iyo Protestant – kuwaas oo la nool dareenka rumeynta kelinimada Eebe, waxaana kusii xiga Buddhist iyo Hindu-ga.
Alle-diidka ‘Atheist’ ayaa ah kuwa ugu hooseeya kuwaas oo aan gebi ahaanba heysan qanaaco nololeed maadama aysan rumeysneyn kelinimada Eebe.