Muqdisho – Kala bar kamid ah taageerayaasha Man United ayaa rumeysan in kabtanka iyo rikoor-hayaha gool-dhalineed ee Wayne Rooney la iska iibiyo xagaagan.
Tani waa marka loo eego sahan taageereed ay sameysay Manchester Evening News.
31-jirkan ayaa lumiyay jagadiisa tan iyo markii uu ka hoos sameeyey 19 kulan xagaaga macalin Jose Mourinho.
Rooney waxaa si xoogan loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo dhinaca horyaalka Chinese Super League bishii hore iyo sidoo kale kooxdii carruurnimadiisa ee Everton.
Waxayna u muuqata in taageerayaashu aysan ka murgeynin tagistiisa kagadaal 13 xilli-ciyaareed oo uu joogay Man United. Waxaana sahanka la qaaday booska labaad kusoo xigsaday Rooney laacibka Matteo Darmian oo codbixinta ka helay 29%.
Marouane Fellaini ayaa soo galay booska saddaxaad – tiiyoo uu saxiixay heshiis hal sano ah bilowgii sanadkan.
Ku dhawaad 18 ciyaaryahan ayaa iskaga dhaqaaqay Man United taniyo markii Mourinho uu yimid kooxda. Taageerayaashuna waxay u muuqdaan inay kaliya doonayaan tira xadidan ay ka dhaqaaqaan naadiga xagaagan.
Sahanka la ururiyay ayaa sidoo kale tilmaamay in 61% taageerayaasha ay naawilayaan in laba iyo saddax laacib ay xagaagam ka dhaqaaqaan United-ka.