Home / Habka-Nolosha / Saleh oo doonaya ku biirista Real Madrid.

Saleh oo doonaya ku biirista Real Madrid.

Muqdisho – Mohamed Saleh ayaa ku dhow inuu isaga tago kooxda LIverpool una dhaqaaqo Real Madrid, wuxuuna diyaar u yahay inuu tallaab horay ugu qaado, sida ay sheeganeyso don balon. 

Xiddiga xulka qaranka Masar ayaa ban-dhig qurux badan ka sameeyey gegida kooxda Liverpool ee Anfield stadium taas oo si aad ah looga dareemay guud ahaan horyaallada Yurub.

Horyaalka La Liga kooxda heysata ee Real Madrid ayaa la sheegayaa inay hoggaanka u heyso loolanka loogu jiro saxiixa xiddiga dhawaan ku guuleystay abaal-marinta BBC-da ee Laacibka sanadka ee qaaradda Afrika.

Si kastaba, Saleh oo hadda gool-dhalinta horyaalka PL hoggaaminaya ayaysan caddeyn mustaqbalkiisa dhow halka uu kasoo jeedsan doono.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan