Home / Habka-Nolosha / Saleh oo ku guuleystay abaal-marinta BBC-da ee Xiddiga Sanadka.

Saleh oo ku guuleystay abaal-marinta BBC-da ee Xiddiga Sanadka.

Muqdisho – Laacibka xulka Qaranka Masar iyo naadiga Liverpool, Mohamed Saleh ayaa loo suray taajka xiddiga sanadkan ugu fiican qaaradda Afrika – oo ah abaalmarin ay bixiso BBC-da.

“Waan ku faraxsanahay inaan abaal-marintan ku guuleysto,” ayuu 25-jirkan u sheegay BBC Sport.

“Waxay aalaba ii tahay dareen gaar ah inaan guuleysto, waxaan filayaa sanad weyn inuu ii yahay sanadkan, waana ku faraxsanahay.”

Saleh wuxuu biladda laacibka sanadkan ee BBC-da kaga guuleystay laacibiinta kala ah: Sadio Mane, Leipzig, Naby Keita, Pierre-Emerick Aubameyang iyo Victor Moses.

Waa Masrigii saddexaad ee abaal-marintan ku guuleysta oo ay kaga horreeyaan Mohamed Aboutrika iyo Mohammed Barakat. Hayeeshe Saleh waa laacibkii ugu horreeyey ee Liverpool ee biladda ku guuleysta kadib El Hadji Diouf.

Saleh ayaa xulkiisa qaranka usoo saaray koobka adduunka. Wuxuuna sidoo kale hoggaaminaya gool-dhalinta horyaalka waddanka Ingiriiska.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan