Home / Habka-Nolosha / Sam Allardyce oo xaqiijiyay inuu ka fariisanayo macalinnimada kubadda cagta.

Sam Allardyce oo xaqiijiyay inuu ka fariisanayo macalinnimada kubadda cagta.

Muqdisho – Maareeyaha kooxda Crystal Palace, Sam Allardyce ayaa sheegay inuu ka tegayo naadiga kana fariisanayo maareynta kubadda cagta.

Allardyce ayaa ku dhawaaqay go’aankiisa war qoraal ah oo uu yiri wakiilkiisa – isaga oo tallaabadiisa ku qeexay mid fudud.

Ka faaruqista gegida Selhurst Park ee 62-jirkan ayaa imaanaysa shan bilood kadib markii loo magacaabay booska macalin Alan Pardew oo laga ceyriyay Palace.

Macalinkii hore ee England, Allardyce ayaa sheegay inay tahay waqtiga ugu fiican oo uu ka faaruqi lahaa shaqadiisa – tiiyoo uu ka badbaadiyay kooxda inay ku nagaato horyaalka PL sanadka soo socda. Wuxuuna guulo muhiim ah ku hoggaamiyay kooxda inay ka adkaato Arsenal, Chelsea iyo Liverpool.

“Waddooyinka qaar, tani waxay tahay go’aan adag inaan qaatay, hayeeshe hadana waxay aheyd mid fudud,” ayuu yiri. “Aalaaba waxaan mahad uga celin doonaa Crystal Palace iyo guddoomiye Steve Parish fursaddii ay ii siiyeen inaan wax muuqda kaga tago.”

“Balse waxaan kugu imaanaya waqti ay tahay inaad qaado jidka noloshaada, taasina waxay ii aheyd mid fudud.”

“Waxaan qof kasta kaga mahad-celinayaa dhanbaallada farxadda leh oo ay igu taageereen taniyo markii ay maqleen warkan. Shaki kama qabo inaan howshaydii maareynta luminayo, hadana kama qabo wax qoomamo ah go’aankayga.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan