Himilo- Daafaca Barcelona Samuel Umtiti ayaa si maldahan u sheegay inuu ka fiirsanayo inuu mar labaad u ciyaaro kooxdiisii hore ee Lyon.
In kasta oo Umtiti uu 101 kulan u saftay Camp Nou tan iyo markii uu ka tagay kooxda Lyon sanadkii 2016, daafaca dhexe ayaa u arkayay in uu baxayo 12kii bilood ee la soo dhaafay.
Arsenal ayaa lala xiriirinayay inay u dhowdahay ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka France, inkastoo ay u muuqato inuu 26 jirkaani doorbidi karo inuu ku laabto waddankiisa.
Markii wax laga weydiiyay qorshihiisa mustaqbal, Umtiti wuxuu u sheegay Sport: “Waxaan jeclaan lahaa inaan tababare noqdo. Waxaan ka soo qaadanayaa qoraalada kuwa aan ka soo shaqeeyay, tababarkooda iyo waxa ay qabtaan.
Ku soo laabashada Lyon waxay suurta gal tahay, ciyaartoy ahaan ama tababare ahaan. “
Umtiti ayaa wali seddex sano iyo bar ka harsan tahay qandaraaskiisa kooxda heysata horyaalnimada La Liga.