Himilo – Hay’adda Amnesty International ayaa daabacday warbixin muujinaysa in in ka badan 1,500 oo qof lagu fuliyay daldalaad sanadkii 2024 – taasoo ka dhigaysa sanadkii ugu dhimashada badnaa tan iyo 2015.
Warbixinta ayaa sheegaysa in dalalka Iran, iyo Ciraaq ay masuul ka ahaayeen inta badan dilalka, iyadoo Iran kaliya ay fulisay 972 dil. Wadamada Yemen iyo Sacuudiga ayaa sidoo kale ka mid ah shanta ugu sareeya.
Inkasta oo ay tiradu sare u kacday, Amnesty waxay sheegtay in tirada dalalka weli adeegsada xukunka dilka ay yaraadeen, iyadoo 113 wadan ay gebi ahaanba ka laabteen xukunka dilka, halka 145 dal ay sharci ahaan ama ficil ahaanba meesha uga saareen.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in in ka badan 40% dilalkii dhacay sanadkan loo fuliyay dambiyo la xiriira maandooriyaha. Wadamada sida Iran, Sacuudiga, Shiinaha, Singapore iyo Vietnam ayaa lagu eedeeyay fulinta dilal la xiriira daroogada.
Xoghayaha guud ee Amnesty, ayaa sheegtay in dhanka kale xukunka dilka loo adeegsado in lagu caburiyo dadka ka aragtida duwan dowladda, iyadoo kiisas badan la qariyo in loo adeegsaday siyaasad.