Himilo FM – Alexis Sanchez ayaa u sheegay Man Utd in naqshadda ku dhisan weerarka iyo daafaca kooxda ay ugu mahad celiyaan Ole Gunnar Solskjaer inkastoo uu laacibka ku adkeystay in ciyaaryahanadu ay yihiin kuwa isku mid ah marka loo eego kuwa la shaqeyn jiray Jose Mourinho balse uu jiro isbadal.
Solskjaer ayaa lagu bedelay Mourinho bishii December iyadoo uu weeraryahankii hore ee United uu gaaray toddobo guul oo xiriir ah dhammaan tartamada oo ay ku jirto lix Premier League.
Waxaa jirey warar xun oo kasoo baxayay qolka lebiska Man Utd iyadoo Mourinho uu ciyaaryahanadu qaar uu aflagaado u geystay sida xiriir xumadii kala dhaxeysay khadka dhex ee kooxda Paul Pogba.
Laakiin Pogba iyo United ayaa hadda ku socda wadada wanaagsan, Red Devils ayaana 2-1 kaga badisay Brighton and Hove Albion sabtidii.
Laacibka reer Chile Sanchez ayaa ku dhibtoonaya dhaawac soo gaaray laakiin waxaa laga yaabaa in uu ku soo billowdo kulanka jimcaha ay la ciyaarayaan kooxdiisii hore ee Arsenal.
“Ciyaartoyda hadda waa kuwii uu soo maamulay Mourinho balse Ole Gunnar Solskjaer ayaa bedelay”, ayuu u sheegay the Mirror.
“ Maskaxdiisu waxay wax badan tahay kubadda, koontaroolka kulanka iyo dhalinta goolasha.”Taasi waa qaabka aad natiijooyin fiican ku heli karto, waxa keliya ee uu maamuluhu nagu yiri waxay aheyd in aan hagaajin karno xaaladeenna.Waxa uu sheegay in wax walba ay nagu xiran tahay oo ay ku jirto gacmaheenna si aan u tiiigsano halka ugu sarreeya”.