Home / Habka-Nolosha / Sanchez oo ilaa dhamaadka xilli-ciyaareedka dib u dhigaya wada-hadal uu la furo kooxdiisa Arsenal

Sanchez oo ilaa dhamaadka xilli-ciyaareedka dib u dhigaya wada-hadal uu la furo kooxdiisa Arsenal

Muqdisho – Alexis Sanchez ayaa sheegay inuusan mustaqbalkiisa kala hadli doonin naadiga inta uu ka dhamaanayo xilli-ciyaareedka sanadkan – isaga taas ku tilmaamay isku dhex fur hakad gelinaysa bandhigga ciyaarihiisa.

Laacibka dalka Chile ayaa wararka ku saabsan mustaqbalka kooxdiisa Gunners-ka waxay noqdeen hadal-heynta ugu badan ee naadiga. Isaga iyo laacibka adduun lacageedka ay kooxdu kaga soo iibsatay Real Madrid ee Mesut Ozil ayaa lagu wadaa in heshiiskoodu uu dhaco sanadka 2018-ka.

Marna kuma hadal-furan haddii uu bilaabayo wada-hadal ku aadan mustaqbalkiisa iyo kan naadigaba, wuxuuse ku ekaaday inuu tilmaamo doonistiisa ah xaqiijinta booska afaraad ee naadiga iyo ku guuleysigooda koobka FA Cup-ka.

Wuxuu Sky Sports u sheegay: “Waxa aan doonayo waxay tahay inaan kooxda kula dadaalo sidii ay booska UCL ee afarta ugu sarreysa kaga mid noqon laheyd iyo inay hanato koobka FA Cup-ka.”

“Aniga iyo maareeyaha waan isla aragnay in marka xagaagu idlaado aan wada-furno wadahadalka ku aadan sida ugu fiican ee arrimaha lagu dhameyn karo – waxa u fiican kooxda, aniga iyo macalinka laf ahaantiisa.”

“Waxaynu bilaabi doonnaa gorfeynta dhamaadka xagaaga waayo haddii aan hadda hadlo waxay iga weecinaysaa diiraddayda ah inaan kooxda la qaado FA Cup-ka iyo tiigsiga booska afaraad ee kala horreynta horyaalka.”

Sanches ayaa dhamaan kulamadii xagaagan dhaliyay 24 gool. Wuxuuna door muuqda kaga jiraa hab-la-dhaca ban-dhig ee macalin Wenger ku tiirsan yahay.

Waxay Arsenal  31 milyan kaga soo iibsatay Barcelona. Balse muddo uu si weyn uga dhex muuqday kooxda Emirates ku ciyaarta kadib, waxaa dhawaanahan si weyn loola xiriirinayaa kooxo ay kamid tahay Bayern Munich.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan