Himilo FM – Weeraryahanka Manchester United Alexis Sanchez ayaa soo jeediyay in loo baahan yahay in Paul Pogba laga ciyaarsiiyo khadka dhexe si uu u soo saaro qaab ciyaareedkiisa ugu fiican.
Pogba ayaa ahaa mid muujinaya wax fiican tan iyo markii loo magacaabay tababaraha kooxda Ole Gunnar Solskjaer, iyadoo 8gool iyo shan caawin ah uu sameeyay 10-kii kulan tartamada oo dhan.
Taasi waxay ka duwan tahay xilligisii tababare Jose Mourinho uu ka hoos ciyaarayay, Sanchez ayaana sheegay in uu aaminsan yahay in laacibkan uu sameeyay isbedel la taaban karo.
Nin reer Chile ayaa u sheegay The Mirror: “Paul Pogba weli waa da ‘yar laakiin waa ciyaaryahan weyn, kaasi oo kooxda siiyay kalsooni badan.”
Waxa uu intaa raaciyay “Haatan waxaan u arkaa in uu ku biirayo kooxda inteeda badan, waxaana uu u ciyaarayaa si wanaagsan, jawi fiican ayuu ku jiraa xilligan.”
Pogba ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Old Trafford laakiin 25 jirkan ayaa la filayaa inuu sii joogo kooxda.