Home / Cayaaro / Sancho oo aan eegeyn wadahadallada Manchester United

Sancho oo aan eegeyn wadahadallada Manchester United

Himilo – Weeeraryahanka Borussia Dortmund Jadon Sancho ayaa sheegay in uusan dooneyn weareer uu kala kulmo wararka la xiriira mustaqbalkiisa.

Inkasta oo la soo warinayo bixitaankiisa illaa dhammaadka suuq furanka xagaaga haddana Sancho ayaa ku adkeysanaya in uusan wakhti badan u heyn dooddaha ku saabsan mustaqbalkiisa.

Manchester United ayaa diidan inay bixiso £110m oo ah dalabka lacageed ee cayaaryahanka kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho.

Sancho ayaa si weyn loola xiriiriyay Man United oo ku qasban inay oggolaato lacag badan kaddib markii ay u soo gudubtay Champions League.

Si kasta, sida laga soo xigtay Duncan Castles of The Transfer Window Podcast, Dortmund ayaa ku dooneysa £100m cayaaryahanka 20 jirka ah.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan