Home / Cayaaro / Sancho oo ka shaqeynaya u dhaqaaqistiisa Man United

Sancho oo ka shaqeynaya u dhaqaaqistiisa Man United

Himilo – Weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho ayaa riixi kara oo ka shaqeynaya in uu u dhaqaaqo Manchester United haddii Red Devils ay dalab ka soo gudbiso xagaagan.

Sida laga soo xigtay Sky Sports News, kooxda Ole Gunnar ayaan ka quusan saxiixa 20 jirka oo ay dooneyso in uu kamid noqdo safkeeda koowaad.

Manchester United ayaa diidan inay bixiso £110m oo ah dalabka lacageed ee cayaaryahanka kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho.

Sancho ayaa si weyn loola xiriiriyay Man United oo ku qasban inay oggolaato lacag badan kaddib markii ay u soo gudubtay Champions League.

Si kasta, sida laga soo xigtay Duncan Castles of The Transfer Window Podcast, Dortmund ayaa ku dooneysa £100m cayaaryahanka 20 jirka ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan