Himilo – Weeraryahanka Borussia Dortmund Jadon Sancho ayaa kala dooranaya in uu ku biiro Manchester United xagaagan ama uu tago Real Madrid.
Cayaaryahanka reer England ayaa dhaliyay 55 gool isaga oo sameeyay caawinno horyaalka Bundesliga labadii xilli cayaareed ee la soo dhaafay. Tani waxay ka dhigan tahay mid kamid ah cayaaryahannada sida weyn loo doonayo.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Spain, Dortmund ayaa shaacisay inay weynayso Sancho inkasta oo aysan caddeyn haddii sannadkan heshiis lagula wareegi karo laacibka.
Dortmund ayaa aqbali karta dalabka United ee cayaaryahanka lagu qiimeeyay £100 Milyan. Waxaa la soo warinayaa in Madrid u baahan tahay sannad kale si ay maaliyad ahaan isugu diyaariso heshiiska Sancho.
Ferran Torres ayaa loo arkaa beddalka Sancho oo horay u diiday dalab ka yimid kooxda Ingiriiska ee Chelsea.