Home / Habka-Nolosha / Sane: “Guardiola wuxuu igu yiri u ciyaar sida Messi iyo Neymar.”

Sane: “Guardiola wuxuu igu yiri u ciyaar sida Messi iyo Neymar.”

Muqdisho – Weeraryahanka kooxda Manchester City, Leroy Sane ayaa macalinkiisa wuxuu ku dhiirri-gelinayaa inuu u ciyaaro sida xiddigaha Barcelona Lionel Messi iyo Neymar.

Sane oo 21-jir ah ayaa horumarro fiican ka sameeyey kooxda taniyo markii uu kaga soo dhaqaaqay naadiga Schalke ee Jarmalka ka dhisan sanadkii hore – isaga oo 9 goolna ku hubsaday shabaqa.

Laacibka xulka qaranka Jarmalka, Leroy Sane ayaa sheegay in Pep uu ku boorriyo u ciyaarista sida quruxda badan oo ay u dheelaan laacibiinta Neymar iyo Messi.

“Wuxuu awoodaa inuu igu caawiyo khibrado bdan waayo wuu yaqaan sida uu Messi u ciyaaro,” ayuu yiri Sane. “Waana taas sababta uu iigu boorrinayo inaan u dheelo sidooda oo kale.”

Wuxuu tilmaamay in waaya’aragnimada uu Pep Guardiola u leeyahay naadiga Barcelona iyo laacibiinta Neymar iyo Messi ay ka dhigtay inuu tusaalayaal dhowr uga bixiyo mar kasta oo uu dhiirri-gelin siinayo.

Sane ayaa qaatay waqti dheer inuu ku sugnaado gegida naadiga ilaa bishii December uu helay dhalinta goolkiisii ugu horreeyey mar ay la kulmeen Arsenal.

City ayaa si kastaba Arsenal kula balansan afar-dhamaadka koobka FA Cup-ka Egland oo middii soo baxda ay la ciyaari doonto kooxda Chelsea.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan