Himilo –Jasiiradda Sardinia ayaa soo saartay digniin cusub oo la xiriirta ciidda xeebta sida maamulka laga soo xigtay.
Sida uu qoray wargeyska Independent, haddii qofka lagu helo xatooyo ku saabsan ciidda xeebta jasiiradda waxa uu wajahayaa lix sanno oo xarig ah balse waxaa shardi ah in ciidda ka badan tahay 40 kg.
Maamulka jasiiradda ayaa uga digay dalxiisayaasha imaanaya in aysan horay u qaadan ciidda xeebta. Waxay tani ka danbeysay markii dalxiisayaal ka tagay jasiiradda la qabtay iyaga oo xambaarsan quraarad ay ka buuxdo ciid.
Wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ayaa intaa raaciyay in sharciyada Sardinia ay mamnuucayaan in la qaado ciidda cad ee xeebta iyadoo booliiska uu ganaaxo dadka jabiya qaanuunka.
Dalxiisayaasha gacanta lagu dhigay ayaa qiil ka dhigtay in aysan ka warqabin sharciga jasiiradda.