Himilo FM – Switzerland, sarkaal booliis ah ayaa lagu xukumay hal sanno oo xabsi ah kaddib markii uu si xowli ah ku waday gaari isaga oo ceyrsanaya dad looga shakisanaa tuuganimo.
Qareenada sarkaalka ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan go’aanka sida laga soo xigtay wakaalada wararka Switzerland ee SDA.
Waxaa la qabtay sarkaalka isaga oo si xowli ah ku kaxeynaya gaari oo jaraya 126 km saacaddii gudaha caasimadda dalkaasi ee Geneva sannadkii 2017.
Garsoorayaasha maxkamadda ayaa sheegay in marka booliiska uu sameynayo ceyrsi ama uu ku daba joogo danbiilayaal inaysan ka dhigneyn in laga gudbo shuruucda wadooyinka Switzerland.
Waxay sababta ku sheegeen in sarkaalka uu u socday keliya inuu soo qabto tuugo balse uusan badbaadineyn naf.
Ma noqonayso markii ugu horreysay oo maxkamado ku yaalla Switzerland go’aano ka soo saaraan arrin la xiriirta gawaarida booliiska ee sida xowliga ah loo kaxeeyo.
Maxkamdda sare ee dalkaasi ayaa mar taageertay go’aan lamid ahaa dhacdadan iyadoo xustay in booliiska laga doonayo inaysan khatar gelin nolosha dadka iyaga oo adeegsanaya magaca sharciga.