Home / Cayaaro / Sarri: “haddii uu Hazard doonayo ka tegista Chelsea waa uu bixi karaa.”

Sarri: “haddii uu Hazard doonayo ka tegista Chelsea waa uu bixi karaa.”

Tababaraha Chelsea Maurizio Sarri ayaa sheegay in Eden Hazard uu xor u yahay ka tagista kooxda haddii uu doonayo laakiin tababaraha Talyaaniga ayaa rajeynaya in weeraryahankan uu sii joogo Stamford Bridge.

Hazard ayaa lala xiriirinayay in uu u dhaqaaqayo Real Madrid bilihii u danbeeyay, ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium-ka ayaa bishii October ee sannadkii hore sheegay in riyadiisu ay tahay u ciyaarsta kooxda daafacaneysa koobka  Kooxaha Yurub.

Chelsea ayaa dooneysa inay dib u cusbooneysiiso qandaraaskiisa, kaasi oo dhacaya xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo kooxda Galbeedka London ay halis ugu jirto inay lumiso xiddigan oo kamid ah kuwa ugu muhiimsan ee ka ciyaara qaaradda Yurub.

“Eden waa 28 jir, haddii uu doonayo in uu tago, waxaan qabaa in uu baxayo,” Sarri ayaa u sheegay suxufiyiinta kahor kulanka Bournemouth.

“Dabcan, waxaan rajeynayaa in uu doonayo in uu halkan sii joogo, waxa uu awood u leeyahay inuu noqdo ciyaaryahanka ugu fiican Yurub xilligan. “

Hazard ayaa dhaliyay 10 gool isaga oo sameeyay caawin 10 ah xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League, waxaana uu inta badan ka ciyaarayay booska sagaalaad ee weerarka, laakiin Sarri ayaa laga yaabaa in uu mar kale ka ciyaarsiiyo garabka kaddib markii uu yimid weeraryahanka reer Argentina Gonzalo Higuain.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan