Home / Habka-Nolosha / Saul: “Greizman waa muhiim laakiin laacibna kama sarreeyo kooxda.”

Saul: “Greizman waa muhiim laakiin laacibna kama sarreeyo kooxda.”

Muqdisho – Saul ayaa qeexay muhiimadda Antoine Griezmann ugu fadhiyo Atletico Madrid, wuxuuse ku adkeystay in laacibka uusan ka sarreynin kooxda – kadib wararka isasoo taray oo laacibkan la xiriirinaya Man United.

Xiddiga xulka Qaranka Faransiiska,  Griezmann ayaa si weyn loola xiriirinayaa inuu ka dhaqaaqayo naadiga Atletico una wareegi doono horyaalka England PL.

Griezmann ayaa 26 gool u dhaliyay dhamaan tartamada ay ka qeyb-gashay Atletico iyada oo booska saddexaad ku dhameysatay horyaalka La Liga waxayna ku hartay afar-dhamaadka tartanka UCL.

Saul ayaa si kastaba, rumeysan in 26 jirkan loo heli karo badal haddii uu go’aansado inuu ka tago kooxda.

“Gabagabada, Antonio wuxuu maareyn karaa mustaqbalkiisa,” ayuu yiri. “Hadda wuu nala joogaa, waxaana sugeynaa inuu isagu go’aansado.”

“Haddii Antoine Griezmann waxaa heysannaa [Fernando] Torres, [Kevin] Gameiro, [Angel] Correa iyo [Yannick] Carrasco.”

“Aad buu muhiim inoogu yahay, waan ognahay tayada uu leeyahay hayeeshe hadana cidna kama sarreyso kooxda.”

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan