Home / Macluumaad / Sawiro: Aqoon isweydaarsi ku saabsan kaalinta xarumaha fikirka iyo cilmi-baaristu ay ka qaadan karaan qaabeynta siyaasadda guud oo Muqdisho Lagu qabtay.

Sawiro: Aqoon isweydaarsi ku saabsan kaalinta xarumaha fikirka iyo cilmi-baaristu ay ka qaadan karaan qaabeynta siyaasadda guud oo Muqdisho Lagu qabtay.

Xarumaha fekirka iyo cilmi-baarista waa machadyadda sameeya baaritaanada qotoda-dheer ee la xiriira siyaasadda bulshadda, istiraatiijiyadaha siyaasadda, dhaqaalaha, tiknolojiyadda, iyo dhaqanka. Inta badan xarumaha fekirka iyo cilmi-baarista waa kuwa aan faa’iido doon aheyn,, dalalka qaarna kama qaadaan canshuur.

Daraasadaha ay sameeyaan xarumahaasi waxa ay doodo ka dhax-dhaliyaan dadka ka go’aan qaata siyaasadda halka ay si gaar ah u taabtaan arrimaha xasaasiga ah ee bulshadda.

Aqoon isweydaarsi ku saabsan kaalinta xarumaha fekirka iyo Cilmibaarista ay ka qaadan karaan horumarinta iyo qaabeynta siyaasada guud ayaa lagu qabtay Muqdisho.

Kulanka oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Cilmibaarista Soomaaliyeed (ISOS) ee Jaamacadda Muqdisho, waxa ka soo qeybgalay aqoonyahanno iyo xeeldheerayaal ka kala socday Jaamacadaha, xarumaha fekirka iyo Cilmibaarista, Ururada bulshada rayidka iyo Marti sharaf kale oo lagu casuumay ka qeybgalkeeda.

Waxaa wehliyay aqoon isweydaarsigan Daahfurka Warbixinta 2017 ee Xarumaha fekirka iyo Cilmibaarista ee dunida ka jira, waxana warbixinta diyaariyay jaamacadda Pennsylvania ee ku taalla Cariga Mareykanka.

Ugu horeyn, munaasabadda waxa daaha ka rogay gudoomiye ku xigeenka jaamacadda Muqdisho Prof. Maxamed Xuseen  Ciise (Liibaan) oo sheegay in kaalin firfircoon ay xarumaha fekirka iyo cilmibaaristu  ku leeyihiin curinta talooyinka lagu maareeyo Mushkiladaha iyo Culeysyada ka jira dal kasta.

Agaasimaha Tacliinta sare iyo dhaqanka ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Dr Cabdi shakuur sheikh Xasan Fiqi, oo isana goobta ka hadlay waxa uu xusay in Somaliya ay xiligan ka soo ka baneyso colaado sokeeye, ayna wajaheyso dhibaatooyin iyo culeysyo ah dhinacyada Siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada iyo guud ahaan nolosha guud.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in loo baahanyahay in laga wada qeybgalo talooyinka lagu furdaaminaayo dhibaatooyinka.

Agaasimaha Machadka Cilmibaarista Soomaaliyeed (ISOS) Mustaf Cabdulaahi Fayruus ayaa kulanka waxa uu ku soo bandhigay warbaxin kooban oo ka hadleysa xarumaha fikirka iyo Cilmibaarista ee ku yaalla Geeska Africa iyo guud ahaanba Qaaradda Africa.

Waxa uu intaa raaciyay in Somaliya  ay ka mid tahay dalalka ay aadka ugu yaryihiin  xarumaha fikirka iyo cilmibaarista, loona baahanyahay in ay tirro iyo tayo kororba la hirgalaan dhowr xarumood si ay uga shaqeyaan arriamaha Fikirka iyo Cilmibaarista oo ay xal ugu noqoto dhibaatooyinka naga heysta inan qaranimadeenii dib u hanano.

Xeeldheerayaasha goobta ka hadlay waxa ka mid ahaa Madaxa hay’adda WEAVE marwo Asli Ducaale, Madaxa guddiga sare ee Machadka Heritage Cabdikariim Xasan Jaamac, Dr Shariif Cusmaan oo ka tirsan jaamacadda Muqdisho iyo xeel dheerayaal kale.

Ka qeybgalayaasha Aqoon isweydaarsiga ayaa falanqeyay kaalinta ay xarumaha fikirka iyo Cilmibaaristu ka qaadan karaan dib u dhiska dalka iyo sidii kaalintaa loo sii xoojin lahaa.

Qore: Maxamed Qadar Cabdi

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan