Home / Arrimaha Bulshada / Sawirro: Caabuqa Coronavirus oo raadeeyay aroos wadareed

Sawirro: Caabuqa Coronavirus oo raadeeyay aroos wadareed

Himilo – Caabuqa Coronavirus ee ka dillaacay dalka Shiinaha ayaa ku fiday dalal badan. Keliya xannuunka ma uusan keenin in magaalooyin badan laga sameeyo goobo dadka lagu karantiilo balse waxa uu gaaray xafladaha aroosyadda.

Koonfur Kuuriya, xaflad aroos wadareed ah ayaa si weyn looga dareemay baqdinta caabuqa sida fudud ku faafa iyada oo dhammaan dadka ka qeyb galayay munaasabadda la marsiiyay hannaan caafimaad sida ay qortay wakaalada Reuters.

Sida caadiga ah, dhigashada xafladaha aroosyadda waxay ahayd arrin fudud oo aan wakhti badan ku bixin marka la eego Koonfur Kuuriya balse caabuqa dilaaga ah ayaa qasbay in la qaado tallaabooyin ku saabsan badqabka dadka.

Aroos wadareedka ka dhacay Koonfur Kuuriya ayaa kulmiyay 6000 qofood oo dhammaantood la marsiiyay hannaan caafimaad oo looga baarayay caabuqa Coronavirus.

Lee Kwon Seok oo kamid ah dadka loo guurinayay ee ka qeyb galay xafladda ayaa xusay in uu farxad ku dareemay munaasabadda oo ay soo xaadiraan kumanaan qofood isaga oo yiri “Waan ku farraxsanahay in aan joogo xafladda arooska, inkasta oo uu socdo caabuqa Coronavirus.”

Fadlan ka daawo sawirrada qeybta hoose.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan