Home / Macluumaad / Sawirro: Gabadha loo saaray taajka quruxda carabta 2019

Sawirro: Gabadha loo saaray taajka quruxda carabta 2019

Himilo FM –Samaara Yaxye oo u dhalatay dalka Aljeeriya ayaa loo saaray taajka quruxda dalalka carabta ee sannadka 2019 kaddib xaflad lagu qabtay caasimadda Masar ee Qaahira.

Gabadha da’da yar ayaa u mahadcelisay shacabka Aljeeriya iyadoo qoraal ay dhigtay Instagram-ka ku tiri “waan ku faanayaa inaan masraxan soo istaagay tartan intan la eg si aan u matalo dalkeyga qaaliga ah.”

Waxay intaa raacisay “kumanaan jeer ayaan u mahadcelinayaa cid kasta oo I taageertay oo da’yarta dalkeyga ah.”

Bogga tartanka quruxda carabta ee Facebook-ga ayaa la soo dhigay sawirrada Samaara iyadoo loogu hambalyeynayo taajka la saaray.

Waxaa ka qeyb galay tartanka gabdho matalayay 22 dal oo carbeed kuwaasi oo uu kala saaray guddiga doorashada tartanka.

Xogtan kooban waxaan kugu soo lifaaqnay sawirrada Samaara oo aad ka daawan karto qeybta hoose.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan