Sawirro: Jaamacad u sameysay ardaydeeda xaflad qalin-jabin layaab leh

Himilo – Jaamacad ku taalla Jabaan ayaa ardaydeeda u dhigtay xaflad qalin-jabin ah oo la geliyay wakhti iyo maskax badan xilli uu si xowli ah u sii faafayo xannuunka safmarka caalamiga ah CONVID 19.

Ardayda oo tiradooda gaarayso afar ayaa awoodi waayay inay soo xaadiraan xafladooda qalin-jabinta. Tani waxay keentay in jaamacadda Business Breakthrough qaado tallaabo layaab leh oo ardayda loogu sameeyay xaflad iyaga oo jooga guryahooda.

Ardayda ayaa laga codsaday inay khadka Internet-ka toos u soo galaan iyada oo mid kamid ah hoteelada magaalada Tokiyo lagu diyaariyay robot-yo lagu dhejiyay kaamirooyin ay ka soo muuqanayaan ardayda.

Robot-yada oo ay farsameysay shirkadda ANA Holding ayaa laga arkayay wejiyada ardayda oo  guddoomay shahaadooyinka.

Hal-abuurka jaamacadda Business Breakthrough ayaa si weyn loo boggaadiyay iyada oo ay ku soo aaday xilli Jabaan laga diiwaan geliyay xaalado gaaraya 3500 oo ah xannuunka safmarka caalamiga ah.

error: Copy lama Ogola Fadlan