Home / Macluumaad / Sawirro laga qaaday Makka 1888-kii oo lagu iibiyay xaraash

Sawirro laga qaaday Makka 1888-kii oo lagu iibiyay xaraash

Himilo FM –Sawirro mar la arag ah oo laga qaaday Makka ayaa lagu iibiyay xaraash lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail, sawirrada ayaa la qaaday sannadkii 1888-kii iyadoo lagu iibiyay lacag dhan 250 kun oo doolar.

Wargeyska ma uusan shaacin xilliga la qabtay xaraashka iyo cidda iibsatay sawirrada oo uu qaaday nin u dhashay Holland oo faafinayay diinta Masiixiga ah islamarkaana ka shaqeynayay qunsuliyadda Holland ee Jeddah.

Christiaan Snouck Hurgronje  oo ah ninkii qaaday sawirrada ayaa aqoon u lahaa afka Carabiga iyo daraasaadka Islaamka isaga oo qoraallo ka sameeyay Makka sannad iyo barkii uu joogay.

Christiaan ayaa noqday baarihii ugu horreeyay ee reer galbeed ah oo booqda Makka sida uu tilmaamay wargeyska Daily Mail.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan