Home / Arrimaha Bulshada / Sawirro: Lamaanayaal ku qasbay ka qeyb galayaashaa arooskooda sharciga kala durkista

Sawirro: Lamaanayaal ku qasbay ka qeyb galayaashaa arooskooda sharciga kala durkista

Himilo – Xannuunka safmarka ah ee Karoona ayaa si weyn u beddalay hab-nololeedkeenna. Af-shareerka iyo nadaafadda kuma jiraan liiska go’aanadeenna doorashada ee maanta balse waa waajib uu ku qasban yahay qof kasta.

Kala durkista ayaa iyaduna ah xalka keliya ee looga hortagi karo fiditaanka xannuunka safmarka ah ee Karoona illaa laga soo saarayo tallaal iyo dawo lagula dagaalami karo.

Xafladaha arooska ayaa immika loo qabtaa si sahlan iyada oo la casuumo dad yar oo aan badneyn laakiin lamaanayaal u dhashay Indonesia oo dhigtay xaflad ayaa soo jiitay indhaha caalamka.

Lamaanayaasha ayaa go’aansaday inay dhigtaan xafladda arooska oo lagu xeray shuruudo badan sida in dadweynaha kala fogaadaan iyo inay soo xertaan af-shareer.

Dadka adeegsada baraha bulshada ayaa soo dhigay Twitter-ka sawirrada lamaanayaasha iyo ka qeyb galayaasha xafladda oo si weyn u soo jiitay dad badan.

Daawo sawirrada xafladda arooska ee Indonesia.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan