Home / Habka-Nolosha / Sawirro: Masjidka ugu weyn uguna quruxda badan Yurub

Sawirro: Masjidka ugu weyn uguna quruxda badan Yurub

Himilo – Maamulka jamhuuriyadda Chechnya ayaa furay masjidka ugu weyn Yurub islamarkaana ugu quruxda badan.

Masjidkan oo lagu naqshadeeyay mutuleel ayaa qaadi kara 30 kun oo qofood, waxayna maamulka Chechnya ku tilmaameen “ Masjidka ugu weyn uguna quruxda badan Yurub.”

Ramzan Kadyrov oo ah madaxweynaha Chechnya ayaa sheegay in masjidka laga dhisay magaalada Shali oo ay ku nool 54 kun qofood in uu yahay masjid leh qurux gaar ah.

Maamulka Chechnya ayaa sidoo kale ubaxyo ku tallaalay beeraha masjidka oo qaadi kara 70 kun qofood.

Madaxweyne Ramzan oo uu Putin u magacaabay hoggaaminta jamhuuriyadda ay ku badan yihiin Muslimiinta ee Chechnya ayaa ku guuleystay in uu dhiso dhowr iyo tobban masjid.

Fadlan daawo sawirrada hoose ee masjidka

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan