Home / Arrimaha Bulshada / Sawirro: Nin reer Nigeria ah oo xaaskiisa u dhisay guri loo ekeysiiyay diyaarad

Sawirro: Nin reer Nigeria ah oo xaaskiisa u dhisay guri loo ekeysiiyay diyaarad

Himilo – Raali-gelinta qofka wehelka kuu ah ayaa xoojisa xiriirka jaceylka laakiin bal ka waran haddii aad xiriir wadaag la tahay qof jecel in uu safro markasta xilli aadan laheyn dhaqaale xooggan.

Haddaba magaalada Abuja ee caasimadda Nigeria ayaa laga heli karaa guri hab-dhismeedkiisa loo ekeysiiyay diyaarad oo uu Saciid Jamaal u sameeyay carruurtiisa lixda ah iyo xaaskiisa oo jecel socdaalka sida ay qortay wakaalada wararka Reuters.

Dhismaha guriga oo ka kooban seddex dabaq ayaa la bilaabay sannadkii 1999-kii sida uu caddeeyay Jamaal.  Waxaa si weyn loogu ekeysiiyay  hab-dhismeedka diyaaradaha waaweyn.

Hoyga aan caadiga aheyn ayaa ka kooban qol lagu soo dhaweeyo martida, masjid, suuli, beer iyo goob loogu tala galay in lagu baakimo gaadiidka.

Sida uu tilmaamay Jamaal,  dhismaha guriga ayaa wali socda iyadoo la bilaabay 11 sanno kahor, waxay ka dhigan tahay in marwalba lagu daro nashqad cusub.

Inkasta oo ninka reer Nigeria uu guriga u sameeyay xaaskiisa oo xiiseysa socdaalka haddana Jamaal waxa uu rajeynayaa in dhismaha uu dhaxal u noqdo dadka Nigeria.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan