Home / Arrimaha Bulshada / Sawirro: Qoyska ugu ballaaran Ingiriiska oo rajeynaya cunuggii 22aad

Sawirro: Qoyska ugu ballaaran Ingiriiska oo rajeynaya cunuggii 22aad

Himilo- Inkastoo ay goor sii horreysay sheegtay in aysan mar kale dhali doonin haddana Sue Radford ayaa sugeysa cunuggeeda 22aad sida uu qoray bogga Metro.

Ms Sue ayaa hooyo u ah qoyska ugu ballaaran dalka Ingiriiska iyadoo muuqaal la soo dhigay Youtube-ka ku shaacisay inay uur leedahay islamarkaana ku jirto toddobaadkeeda 15aad.

Lama shaacin lab iyo dheddig waxa uu yahay cunugga hase ahaatee haweenayda 44 jirka ah ayaa tilmaamtay inay jeceshahay wiil si tirada wiilasheeda u noqoto 11.

Waxaa la filayaa in uu dhasho cunugga 22aad ee qoyska ugu ballaaran dalka Ingiriiska bisha April ee soo socota.

Qoyska Radford ayaa ku nool guri ka kooban 10 qol oo jiif ah, waxay ku tiirsan yihiin dakhliga Aabbaha oo ka shaqeeya foorno iyo kaalmo yar oo dowladda siiso.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan