Home / Macluumaad / Sawirro — Sababta guri dabaq loogu daahay dhir faalalaysa!

Sawirro — Sababta guri dabaq loogu daahay dhir faalalaysa!

Himilo – Degmada Dong Da ee caasimadda Fiitnam waxaa ku yaal guri isa-saar ah oo caleemaha dhirta faalasha ay guudkiisa gebi ahaanba qariyeen.

Waxaa loo yaqaan Dhismaha nool. Waxaana maskaxda lagu hindisay ka danbeeyey Prof. Dr. Hoang Nhu Tang oo Jaamacadda Hanoi ka dhiga cilmiga farsamada iyo injineeriyadda.

30 sanno kahor markii dhismahani uu ahaa kan ugu dheer degmada, waxaa jirtay in kuleylka cadceeddu uu gees walba uga soo galayay dhismaha. Waxaana dad badan oo deganaa ku adkaatay inay kusii nolaadaan. Markaas kaddib, Tang ayaa go’aansaday inuu dhirta faalasha daah uga dhigo dhismaha si caleemaha dhirtu ay kuleylka uga difaacaan. Sidoo kalana looga helo qabow dabiici ah.

Fikraddaasi waxay u ek tahay mid shaqeysay. Soddon sanno kaddib, dhirtii ku faalashay gebi ahaanba dhismaha, keliya lagama helin qabow. Waxay sidoo kale, si maalinle ah usoo jiitaan indhaha dadweynaha.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan