Home / Macluumaad / Sawirro: Turkiga oo daah furay masjidka ugu weyn dalkaasi

Sawirro: Turkiga oo daah furay masjidka ugu weyn dalkaasi

Himilo FM –Dalka Turkiga waxaa lagu daah furay masjidka ugu weyn dalkaasi kaddib muddo 6 billood ah oo uu socday dhismihiisa.

Masjidka oo ku yaalla buurta Camlica ee magaalada Istanbul ayaa ah midka ugu weyn dalka sida uu sheegay Ergin Kulunk oo ah madaxa hay’ad ka danbeysay fekerka lagu dhisay masjidka.

Maanta oo khamiis ah, aadaanka salaada subax ayaa markii ugu horreysay la maqlay masjidka, waxaana ku tukuday dad badan.

Masjidka oo loo dhisay qaab dhismeedkii Cuthmaaniyiinta ayaa leh 6 minaarad isaga oo qaada 63 kun oo qofood.

Sida laga soo xigtay Kulunk, dhismaha masjidka ayaa ka kooban hool loogu tala galay shirarka, maktabad iyo matxaf la xiriira raadka Islaamka. Xaflad furitaan oo weyn oo uu ka qeyb galayo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa la filayaa in la sameeyo xilli danbe.


About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan