Home / Deegaan / Sawirro: Xeebaha ugu khatarsan caalamka ee aan marnaba lagu dabaalan!

Sawirro: Xeebaha ugu khatarsan caalamka ee aan marnaba lagu dabaalan!


Himilo FM – Wargeyska El Mundo ee dalka Spain ayaa daabacay warbixin kooban oo la xiriirta xeebaha ugu khatarsan caalamka ee halis gelin kara nolosha dadka iyadoo laga fiirinayo halka ay ku yaalaan iyo xayawaanada badeed ee ku jira.

Liiska wargeyska El Mundo ee xeebaha ugu khatarta badan caalamka waxaa soo galay:

1) Wabiga Labila ee Dalka Spain

Waxa uu ku yaalaa magaalada Walbeh ee dalka Spain, waxa uu caan ku yahay midabka casaanka ah iyadoo lagu tiriyo mid kamid ah wabiyada ugu khatarsan ee lagu dabaasho.

2) Harada Ganzibai ee Koonfur Afrika

Waxay ku taallaa tuulada Ganzibai ee dalka Koonfur Afrika, waxaa ku badan libaax badeedyada, waana midda ka dhigtay mid kamid ah harrooyinka khatarta ku ah nolosha bini’aadamka. Dalxiisayaasha waxaa loo oggol yahay inay meel kore ka eegi karaan harada oo aysan u dhawaan.

3) Harada Stromen ee Norway

Haradan oo kala saarta laba jasiiradood oo ku yaalla Norway ayaa lagu tiriyaa mid kamid ah goobaha ugu khatarsan ee lagu dabaasho. Sababta ugu weyn ee looga baqo waa inay leedahay mowjaddo xooggan oo mararka qaar kaca. Waxaa dadka looga digaa inay ku dabaashaan.

4) Harada Kevo ee Rwanda

Haradan waxay kala xadeysaa xudduudaha dalalka jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo iyo Rwanda. Khubarada ayaa ka digay khatarta haradan oo kamid ah kuwa ugu khatarsan ee lagu dabaasho.

5) Harada Gelyan ee Dominica

Waxaa lagu sheegaa mid kamid ah harrooyinka ugu kulul caalamka. Waa mamnuuc in lagu dabaaasho waayo waxaa badan khatarta Aadanaha ka soo gaari karta.

6) Harada Niyos ee Cameron

Sanadkii 1986 ayay biyaha haradan saro u kaceen, waxaa ku dhintay 1800 qofood, waa sababta aan loogu dabaalan iyadoo aan loo oggoleyn in dadweynaha ku dhawaadaan.

7) Xeebaha Queensland ee dalka Australia

Waxaa la xeray xeebo badan oo ku yaala Australia oo aan dadweynaha loo oggoleyn. Waxaa kamid ah xeebta la yiraahdo Queensland. Waxaa ku tira badan yaxaaska iyo xayawaanada kale ee leh sunta khatarta ku ah Aadanaha.

Fadlan lifaaqa hoose ka eeg sawirrada goobaha ugu khatarsan ee lagu dabaasho.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan