Home / Cayaaro / Scaloni “Cayaaraha ayaan ka fariisan doonaa haddii ay Argentina hanato Copa America.”

Scaloni “Cayaaraha ayaan ka fariisan doonaa haddii ay Argentina hanato Copa America.”

Himilo FM –Hoggaamiyaha qaranka Argentina ee Lionel Scaloni ayaa ku kaftamay in uu fariisan doono cayaaraha haddii La Albiceleste ay ku guuleystaan Copa America oo hadda ka socda Brazil.

Argentina ayaa ku guuldareysatay labadii koob ee lasoo dhaafay oo ay gaareen dhammaadkiisa, waxayna ciyaarta furitaanka la ciyaari doontaa Colombia.

La Albiceleste, kuwaasi oo ku qasaaray gacanta Chile 2015 iyo 2016, ayaa sidoo kale ku haray wareegga 16-ka koobka dunida sannadkii lasoo dhaafay.

Xulka koonfurta America ayaan ku guuleysan koob weyn oo caalami ah tan iyo Copa America sannadkii 1993-kii, waxayna hadda isku diyaarinayaan furitaanka guruub B.

Tababaraha qaranka Argentina ayaa si kaftan ah u yiri sidan “Haddii aan ku guuleysanno Copa America, waan fariisan doonaa.”

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan