Home / Cayaaro / Schalke 04 oo qorshaheedu yahay inay si joogto ah ula saxiixato Jonjoe Kenny

Schalke 04 oo qorshaheedu yahay inay si joogto ah ula saxiixato Jonjoe Kenny

Himilo- Agaasimaha Isboortiga Jochen Schneider ayaa qirtay in Schalke 04 ay si aad ah u doonayaan saxiixa Jonjoe Kenny si joogto ah.

Iyadoo uu ku guuldarreystay inuu boos joogto ah ka helo Toffees, Kenny wuxuu saameyn wanaagsan ku yeeshay Bundesliga tan iyo markii uu amaah ugu biiray Schalke xagaagii.

Ka dib markii uu goob joog u ahaa Kenny oo wadar ahaan 11kulan  ku bilaawday tartamada oo dhan, Schneider ayaa qirtay inuu jeclaan lahaa inuu arko daafaca dambeedka midig oo kooxda jooga mustaqbalka.

Schneider ayaa u sheegay Bild: “Waan ku faraxsanahay inaan haysano isaga. Kaliya maahan ciyaaryahan ahaan laakiin shaqsi ahaan nooc ku habboon Schalke , Waxaan rajeynayaa inaan fursad u heli doonno inaa muda dheer sii haysano.

Kenny wali qandaraas ayuu ku leeyahay Goodison Park ilaa 2021, halka Everton laga yaabo inay mustaqbalka dhow wadahadalo la furato oo ku aadan heshiis cusub.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan