Home / Habka-Nolosha / Schick oo garowsan in heshiis Juventus uu yahay macquul.

Schick oo garowsan in heshiis Juventus uu yahay macquul.

Muqdisho – Laacibka kooxda Sampdoria, Patrik Schick ayaa sheegay inay macquul tahay inuu u dhaqaaqo dhinaca kooxda heysata horyaalnimada Serie A – Juventus.

Schick, oo 21-jir ah, ayaa xagaagii ugu horreeyey ku raaxaystay gudaha Talyaaniga – isaga oo 11 gool oo uu dhaliyay ay Sampdoria ka caawisay inay booska tobnaad ku dhameysato kala horreynta horyaalka.

Xiddiga Qaranka Czech Republic kaas oo lagu soo warramayo inuu ku kici karo adduun dhan €25million ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa kooxo dhowr ah.

“Waxna kama dhihi karo. Wax kasta waa heshiis,” ayuu u sheegay Czech site iSport.

Mar la weydiiyay Juventus, wuxuu ku jawaabay: “Waaa suura-gal. Waxaa jira heshiis kahor ciyaartii Norwey, laakiin way adag tahay in la yiraahdo.”

“Wax kasta waxay ku hoos dhashaan heshiis. Wali waxaa jira xulashooyin kale. Mana ogi haddii ay jirto wax si gaar ah loo qayaxo.”

Guddoomiye ku-xigeenka Juventus, Pavel Nedved oo dhawaan ka hadlay xiddiga Schick ayaa la barbar dhigay laacibka Manchester United, Zlatan Ibrahimovic.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan