Home / Cayaaro / Scott McTominay oo seegi doona kulamada Tottenham iyo Man City

Scott McTominay oo seegi doona kulamada Tottenham iyo Man City

Himilo- Xiddiga qadka dhexe ee Manchester United Scott McTominay ayaa  seegi doono kulamada ay la ciyaarayaan Tottenham Hotspur iyo Manchester City bisha soo socota ka dib markii baaritaano lagu sameeyay dhaawacii Anqowga.

Laacibka reer Scotland, ayaa kulankiisii ​​ugu horreeyay u saftay United bishii May 2017, wuxuu qeyb muhiim ah ka ahaa kooxda Ole Gunnar Solskjaer xilli ciyaareedkaan, isagoo kasoo muuqday dhammaan 12-kii kulan ee Premier League ee naadiga tan iyo bishii Agoosto.

Dhamaadkii kulankii  ugu dambeeyay ee United ay 3-1 kaga badisay Brighton & Hove Albion Axadii, McTominay ayaa u muuqday mid dhibaato Anqowga uu ka soo gaaray.

Sida laga soo xigtay The Mirror, baaritaanada bilowga ah waxay muujinayaan in McTominay uu garoomada ka maqnaan karo ku dhawaad ​​afar isbuuc.

22-jirkan ayaa seegi doona kulamada Spurs iyo City 2-da bisha Decembar iyo 7-da, marka lagu daro kulamada ay la ciyaarayaan Sheffield United, Astana iyo Aston Villa.

Paul Pogba, oo ah xiddig kale oo khadka dhexe  u maareeya United kaas oo la dagaallamayo dhaawac ayaa la filayaa inuu garoomada ku soo laabto ka dib fasaxa caalamiga ah ee November.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan