Muqdisho – Hull City ayaa ku dhawaaqday inay ka saxiixatay Sebastian Larsson hal sano oo heshiis ah.
32-jirkan ayaa KCOM Stadium ugu soo dhaqaaqay qaab xor ah kadib lix sano oo uu joogay kooxda Sunderland.
Laacibkan qadka dhexe ayaa sameeyay 500 soo muuqasho waayihiisa horyaalka Ingiriiska isaga oo soo maray kooxaha Arsenal, Birmingham City iyo Sunderland, wuxuuna xiran doonaa lambarka 16aad ee funaanadda Hull.
“Waan ku faraxsanahay in aan halkan ahaado,” ayuu u sheegay Larsson Tigers TV.
“Waxaan heystay fursado aan ku fakarayo, laakiin waxaan dareemay in tani ay aheyd tallaabada ugu fiican ee aan sameeyo.”
Larson ayaa noqonaya saxiixa toddobaad ee yimaada xagaagan Hull City.
Qore: Abdiaziz Aadan Urur.