Himilo FM– Khubaro ayaa daaha ka qaaday in ku dhawaad 360 kun oo caruur ah oo u nugul xannuunka Duumada heli doonaan tallaalkii ugu horreeyay ee caalamka ee Malaariyada.
Dad badan ayaa boggaadiyay tallaabada lagu talaalayo carruurta dalalka Malawi, Kenya iyo Ghana laga billaabo maanta oo arbaco ah.
Tallaalka oo loogu magac daray RTSS ayaa qeyb ahaan ka difaacaya carruurta xannuunka Duumada iyadoo uu badbaadin u noqon karo 4 kamid ah 10-kii carruur.
Malaariyada ayaa lagu tiriyaa dilaaga weyn ee caalamka iyadoo galaafata nolosha cunug labadii daqiiqaba sida laga soo xigtay WHO.
Dhimashada ugu badan ee Duumada waxaa laga diiwaan geliyaa Afrika iyadoo 250 kun oo carruur ah u dhintaan xannuunka.
Dr Tedros Gabreses oo ah agaasimaha WHO ayaa xusay in la gaaray guulo waaweyn oo ku saabsan xakameynta Malaariyada 15-kii sanno ee la soo dhaafay.
“Waxaan u baahanahay xal cusub, tallaalka wuu wanaagsan yahay,” ayuu yiri Dr Tedros.
Daraasaddo la sameeyay intii u dhaxaysay 2009 illaa 2014 ayaa xaqiijiyay tayada tallaalka RTSS oo ku guuleystay in uu dhimo xaaladaha xannuunka Duumada ee Afrika.